5-ta baaritaan waxaa lagu ogaanayaa cudurro geeri sababi kara in laga hortago - BBC News Somali (2024)

5-ta baaritaan waxaa lagu ogaanayaa cudurro geeri sababi kara in laga hortago - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dumarku da’dooda marka ay 30 jir kor u dhaafto jirkooda waxaa ku yimaadda isbaddallo kala duwan. Dhakhaatiirta waxay sheegayaan isbaddalaasi iney ka mid yihiin dheellitiraan la’aan ku yimaadda hormoonnada, daciifnimo ku yimaaddo lafaha iyo u nuglaashaha inuu ku dhaco kaansarka naasaha ama ilmo-galeenka.

Marka loo eego tirakoobka Globocon ee 2020 oo uu daabacday Ururka Caafimaadka Adduunka, kaansarka naasuhu wuxuu ka dhigan yahay 13.5% kaansarka dumarka ku dhaca inuu yahay kan naasaha kan ilmo-galeenkana uu yahay 9.4%.

26.3% haweenka waxaa saameeya kansarka naasaha halka 18.3% ay dhibbanayaal u yihiin kansarka ilmo-galeenka.

Khubarada daraasadda sameysay waxay sheegeen dumarka ay da’doodu u dhaxeyso 25-50 ay yihiin kuwa ugu nugul kaansarka naasaha ku dhaca intooda bandanna ay dhinteen marka lagu arko astaamaha ugu horreeya ee cudurka.

Haddaba khubarada caafimaadku haweenka ay da’doodu kor u dhaafto 30 jir waxay kula talinayaan iney sameeyaan baaritaannadan caafimaad si ay caafimaadkooda ula socdan.

5-ta baaritaan waxaa lagu ogaanayaa cudurro geeri sababi kara in laga hortago - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

1. Baaritaanka naasaha ee loo yaqanno Mammography

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay sheegtay dumarka intooda badan astaamaha ugu horreeyey ee cudurka kaansarka iney ogaanin oo ay ku baraarugaan marka uu soo ifbaxo kaansarka naasaha.

Waxayna ka digayaan haddii uu cudurka uu yahay mid xoogeystay suurtagalnimada qofka inuu ka kaco ay tahay 10-40% oo keli ah.

WHO waxay soo jeedineysaa in kansarka naasaha marxaladahiisa ugu horreeya laba siyaabood lagu ogaan karo.

1. In la sameeyo wacyigelin ku saabsan kaansarka naasaha, tababarka iyo kor u qaadidda wacyiga ku saabsan hababka baaritaanka naasaha ay haweenka ku sameeyn karaa iyaga oo gurigooda jooga.

2. In lagu garto calaamadaha kaansarka shaybaarada. Waxa ugu muhiimsanna uu yahay baaritaanka loo yaqaanno mammografi.

Baaritaanka Mamography ayaa ah X’ray naasaha la saaro oo lagu ogaanayo calaamadaha kaansarka ee naasaha ka muuqanaya heer kasta uu marayo.

WHO waxay si gaar ah baaritaankaasi kula talineysaa haweenka 40 jirka ka weyn iney waajib ku tahay iney baaritaankaasi maraan.

"Haweenka da'doodu ay ka weyn tahay 40-ka sano waa in laga baaro kansarka naasaha, baaritaankan waa in la sameeyaa saddexdii sanoba hal mar, haweenku waa inay xaaladda naasahooda la socdaan iyaga oo gurigooda jooga, haddii wax kuus ah ama dheecaan ah ay naasaha ku arkaanna ay la xiriiraan dhakhaatiirta." " ayuu yiri Dr. Pratibalakshmi, oo ah Kaaliyaha barafasoor oo ka tirsan, Kulliyadda Caafimaadka ee Cusmaaniya.

5-ta baaritaan waxaa lagu ogaanayaa cudurro geeri sababi kara in laga hortago - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

2. Baaritaanka ilmo-galeenka

Baaritaanka Pap smear waa baaritaan caafimaad oo lagu ogaado kaansarka ku dhaca ilmo-galeenka. Kaansarkaasi oo la sheego iney yahay nooca labaad ee kaansarka oo ay haweenka ugu badan dunida ugu dhintaan.

Dhakhaatiirta waxay sheegayaan haddii baaritaankaasi lagu ogaado astaamaha billowga ee kaansarka ilmo-galeenka iney suuragal tahay bukaanka in si fudud looga daweeyo. Waxa keli ah oo astaamahaasi lagu ogaan karana uu yahay baartitaanka loo yaqaannao Pap Smear.

Guud ahaanna haweenka ay da’doodu kor u dhaaftay 30 jir waxaa lagula

“Unugyada qaarkood waxa laga soo ururiyaa ibta ilmo-galeenka oo laga baadho calaamadaha kansarka ama isbeddellada kansarka ka hor, kani waa tijaabo fudud oo laba ilaa saddex daqiiqo ku qaadanaysa rugta caafimaadka, baadhitaanku waa xanuun la’aan oo uma baahna suuxdin, qof kasta oo dumar ah oo da’doodu u dhexayso 25 iyo 65 waa in la baaro saddexdii sanoba hal mar. Baaritaankan Pap smear waa in la sameeyaa, "ayey tiri Dr. Shailaja Chandu oo ku takhasustay cudurrada haweenka.

“Haddii aad isku aragto astaamo ay ka mid yihiin miisaanka oo si iskiis ah hoos ugu dhaca, dhiig-yaraan iyo daal, waa inaad si degdeg ah dhakhtar ugu tagtaa,” ayey tiri.

5-ta baaritaan waxaa lagu ogaanayaa cudurro geeri sababi kara in laga hortago - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Getty Images

3. Baaritaanka guud ee dhiigga (CBC)

Tirakoob la sameeyey ayaa muujinaya 57% dumarka iney la kulmaan dhiig yaraan.

Maadaamaa dumarka bishiba mar uu dhiig ka yimaaddo. Waxaa intaa dheer dhibaatooyin hormoonnada dumarka ku yimaaddana ay sida oo kale dhiig yaridu sababaan.

Dhakhaatiirtna waxay ku talinayaan dumarka iney dhayalsan astaamahaasi oo fiiro gaar ah u yeeshaan.

“Haweenka dhiig yarida ay hayso marka ay uureystaan waxay dhalaan ilmoo miisaankiisu uu yar yahay. Foosha kadibna waxay noqonayaan kuwa daciif ah oo u baahda in dhiig lagu shubo,” ayey tiri Dr Pratiba Lakshmi.

Culeys ku yimaadda wadnaha iyo wadna garaaca ka dhasha dhiig yarida mararka qaar waxay dumarka u horseedda geeri.

Sidaa awgeed, waa in la sameeyaa baaritaan dhiig oo dhammaystiran. Baaritaankaan, dhiiga ayaa laga soo aruuriyaa jirka waxaana lagu tijaabiyaa walxaha soo socda.

Tirada unugyada dhiigga cas

Tirada unugyada dhiiga cad

Tirada haemoglobin ee dhiigga ku jira, baaritaannadaasi oo lagu ogaanayo qofka iney dhiig yari hayso iyo inkale.

5-ta baaritaan waxaa lagu ogaanayaa cudurro geeri sababi kara in laga hortago - BBC News Somali (5)

Xigashada Sawirka, Getty Images

4. Qanjirka Thyroid

Cudurka Thyroid astaamaha lagu garto oo loo baahan yahay iney dumarka la socdaan waxay tahay qofka si lama filaan ah hilib u fuulo ama uu uga dhaco, timaha oo data, daal iyo niyad-jab qofka ku yimaadda waxay ka mid yihiin calaamadaha cudurkaasi.

Qanjirka 'thyroid' waa qanjir ku yaal dhuunta. Wuxuuna soo saaraa hormoonnada T3, T4 iyo TSH. Haddii qanjirkani aanu si fiican u shaqayn, qanjirka ayaa bukoonaya.

Dhibaatoyinka cudurka Thyroid ayaa laba u qaybsamo. Labaadi oo afka qalaad loo yaqaanno hypothyroidism iyo hyperthyroidism.

Qanjirka marka uu bukooda wuxuu keenaa inuu dheecaanka qanjirkaasi uu sii daayo oo kaco ama uu aad u dago.

Iyada oo cudurkaasi uu haleelo ragga iyo dumarka labadaba, halka ay WHO sheegtay cudurkaasi unuu dumarka ku badan yahay.

Dumarka da’doodu haddey dhafto 30 jir waxay dhakhaatiirta kula talinayaan iney iska baraan cudurka Thyoroid.

5-ta baaritaan waxaa lagu ogaanayaa cudurro geeri sababi kara in laga hortago - BBC News Somali (6)

Xigashada Sawirka, Getty Images

5. Baaritaanka daciifnimada lafaha iyo Fiitaamin D iyo Calcium

Guud ahaan, haweenka marka ay da’doodu 30 jir kor u dhaafto, cufnaanta lafaha ayaa hoos u dhacda oo lafaha ayaa daciifa.

Vitamin D iyo Calcium waxay caawiyaan lafaha iney adkaadaan. Daraasad la sameeyey ayaa sheegeysa 90% haweenka iney la kulmaan Vitamin D la’aan.

Haweenka inta badan ay da’doodu 40 jirka ka weyn tahayna waxay la kulmaan lafaha oo daciifa.

Lafaha oo daciifana waxaa ka dhalata inuu qofka si fudud uu ku jabo.

Qofka oo Vitamin D uu ku yaaado wuxuu isku arkaa astaamo ay ka mid yihiin daal iyo muqrqaha oo xanuuna.

Sida oo kalana waa iney heerka Calcium-ka ay iska baaraan kaasoo si fudu dhiigga looga baaro dawooyinna lagu sici karo.

5-ta baaritaan waxaa lagu ogaanayaa cudurro geeri sababi kara in laga hortago - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Virgilio Hermann JD

Last Updated:

Views: 6646

Rating: 4 / 5 (61 voted)

Reviews: 92% of readers found this page helpful

Author information

Name: Virgilio Hermann JD

Birthday: 1997-12-21

Address: 6946 Schoen Cove, Sipesshire, MO 55944

Phone: +3763365785260

Job: Accounting Engineer

Hobby: Web surfing, Rafting, Dowsing, Stand-up comedy, Ghost hunting, Swimming, Amateur radio

Introduction: My name is Virgilio Hermann JD, I am a fine, gifted, beautiful, encouraging, kind, talented, zealous person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.